Beeraha oo si fiican loo qoday ka dib markii roob wacani ka da’ay Boorama iyo agagaarkeeda

Dadka beeralayda ah ee ku dhaqan gobolka Awdal ayaa bilaabay in ay hadda si fiican u qotaan beerahooda ka dib markii roob aad u wanaagsan uu ka da’aayey labadii toddobaad ee ugu danbeeyey. Roobkani wuxu ku soo beegmay iyada oo roobkii xilliga gu’ga aanu sannadkan ka di’in guud ahaanba gobolka.

Beeralayda ayaa qodista beeralaha ee xilagan u taqaan Shini-Danbeed taasi oo ay uga jeedaan beeraha la falo xilliga diraacda. Hase ahaatee waxa jira warwar ay qabaan beeralaydu oo la xidhiidha haddii xilliga roobku gaabto oo uu dhawr usbuuc oo danbe socon waayo ay taasi ka dhigan tahay in ay beeruhu bi’i doonaan.

Hasa yeeshee hadda waxaa aad u muuqda in aad dhulku u qurux badan yahay oo cagaarku is gaadhayo meelo badan oo ka mid ah dhulka beeraha ah inksata oo ay hada marayaan xiligii ay soo biqlayeen ama caro casaan ah ay badankoodu u muuqdaanIMG_0157IMG_0161IMG_0162