Ciidamada Sucuudigu waxay markii koowaad dagaal lug ah ku galeen Yemen

Saudi soldiers stand at attention in front of tanks during a visit by Deputy Defence Minister Prince Khaled bin Sultan (unseen) at Al-Khoba in the southern Jizan province near the border with Yemen on January 27, 2010. Sultan said that Yemeni Shiite rebels were chased out of the kingdom and did not pull out on their accord as they claim. The leader of Shiite rebels, known also as Huthis, had announced on January 25 the voluntary withdrawal of his fighters from positions occupied within Saudi Arabia. AFP PHOTO/STR (Photo credit should read -/AFP/Getty Images)

Ciidamada Sucuudi Carabiya ayaa markii koowaad dagaal lug ah ku soo galay Yementa Waqooyi iyaga oo ka soo gudbay xadka u dhaxeeya labada dal, si ay dagaalyahannada Xuutiyiinta uga kiciyaan fadhiisimo buuralayda ku yaal oo duqaynta diyaaraduhu kari waayeen.

Xuutiyiinta iyo ciidamada ay is kaashadaan ee daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa Axaddii markii ay ogaadeen in ciidamada Sucuudigu soo gudbayaan waxay sida dhibica ugu ganeen gantaalo aan kala go’ lahayn ku waas oo sababay in ay geeriyoodaan daraasiin ka mid ah ciidanka Sucuudiga.

Hase ahaatee xukuumadda Sucuudiga ayaa ku dooday in khasaarahani yahay mid ku-meel-gaadh ah laakiin ay kaga takhalusayaan awoodda Xuutiyiinta goor ay gaadhaba.

Waxa iyaguna weli soconaya gantaalaha ay xulifada uu Sucuudigu hoggaaminayaa dusha kala dhacayaan Xuutiyiinta ku dhuumaalaysanaysa buuralayda Waqooyiga Yemen. Lama oga inta ay leeg tahay dhibaatada Xuutiyiinta ka soo gaadhay duqayntan laakiin waxay ku doodeen in ay yihiin xoog aan la baabiin karin oo sii dagaalami doona.

Dhawaan ayaa xooggaga daacadda u ah madaxweynaha sharci ahaan la aqoonsan yahay ee Yemen Cabdi Haad Mansuur ay xuutiyiinta magaalo-xeebeedda istiraatijiga ah ee Cadan.

Qabsashadii Xuutiyiinta ee Cadan waxay ahayd tii sababtay in ciidamada huwanta ah ee Sucuudigu uu hoggaamiyo ay bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Qulqulatooyinka Yemen waxa ilaa hadda ku geeriyooday dad ka badan 4300 oo qof oo kala badh in ka badani ay yihiin rayid sida ay diwaangelisay Qaramada Midoobay.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Hoos ka akhriso warar hore oo la xidhiidha Yemen:

Al-qaacidada Yemen oo la wareegtay gacan-ku-haynta koonfurta Cadan

Ra’iisal-wasaarihii dibad-wareegga ahaa ee Yemen wuxu booqasho lama-filaan ah ku yimid Cadan

Dagaalkii Yemen oo sii socda iyadoo lagu jiro wakhtigii xabbad-joojinta

Xulufada Carabta oo hakinaysa duqayntii ay ku hayeen Yemen

Bandhige@gmail.com