Biljimka ayaa bilaabaya in uu dadkiisa ka daad-gureeyo Burundi

Dawladda Biljimka ayaa dadka u dhashay kula talisay in ay iskaga baxaan Burundi  oo ka socdaan qulqulatooyin rabshado siyaasadeed ah.

Qulquladaha Burundi ayaa bilaabmay ilaa markii uu Madaxweynaha Burundi Nkurunziza uu ku dhawaaqay in uu mar saddexaad sharaxan yahay. Intii la doortay kadibna rabshaddaasi waa sii xoogaysay waxana laga soo bilaabo wakhtigaas ku naf -waayey boqolaal qof kuwaas oo sababay in Burundi laga joojiyo xubinimada Midowga Afrika.

Midowga Yurubka ayaa si ku meel gaadh u yareeyeen tirda shaqaalaha ka jooga dalka Burundi iyadoo qoysaskood ay banaanka looga saaray.

Golaha Ammaanka ayaa iyaguna soo saaray qaraar lagu cambaareeyey rabshadaha ka socda Burundi, sidoo kalena waxa uu qaraar waddada u jeexayaan sidii loo gayn lahaa ciidamo nabad-ilaalin ah.

Ciidamada la filayo in la geeyo ayaa waxa lagu wadaa ciidamada heeganka Bariga Afrika ee marka loo baahdo loo diro meelaha colaaduhu ka qarxaan.

Ciidamadan ayaa hore waxa ay codsi ka heleen Midowga Afrika kaas oo ah in ay isku diyaariyaan in la geeyo Burundi haddii ay xaaladdu sii xumaato, balse ciidamo nabad-ilaalin ee loo dirayo waxa  go’aan kama dambaysa ah ka gaadhi kara Qaramada Midoobay.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda Burundi ayaa saadaalinaya in ugu dambeyna la geyn doono ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

bandhige@gmail.com