Booko Xaaraam waxay Nayjeeriya ka fulisay qaraxyo lagu hoobtay

Jabhadda Islaamiga ah ee Booko Xaaraam ayaa qaraxyo lagu le’day ka fulisay gobolka Borno ee ku yaal Waqooyiga dalkaas, halkaas oo ay ku qudh-baxeen 47 qof, waxana ku dhaawacmay 52 qof sida ay ku soo waramayaan saraakiil hadda ciidan oo xogogaal ahi.

Qaraxan maantu wuxu dhacay iyadoo todobaadkii ina dhaafay qaraxyo mataano ahi ay isla gobolkan ka dhacayeen kuwaas oo galaaftay nolosha boqolaal qof.

Sida ay sheegeen dad goobta ka dhawaan, markan waxa is qarcisay haweenay dhexda ku soo xidhatay suun ay ka buuxaan walxaha halista ah ee qarxa.

Qaraxa ayaa wuxu ka dhacay magaalada Sabon Gari goob moobillada lagu iibiyo oo ka ag dhaw suuqa xoolaha.

Qaraxyada iyo weerrarada halista ay ee ay Booko Xaaraam gaysanayaan ayaa kor u kacay laga soo bilaabo intii Madaxweyne Janaraal Maxamed Bahaari uu xilka madaxweynenimo la wareegay isagoo ku bu’ay in uu Nayjeeriya ka dabar-jari doono kooxdan oo uu ku tilmaamay in ay yihiin argagixiso cadow ku ah ummadda Nayjeeriya.

Bandhige@gmail.com