Booliska Biljimka oo xidhay laba qof oo looga shakiyey in ay qarax fuliyaan

Tan iyo intii ay dhaceen weeraradii Faransiiska ee dadka badani ku hoobteen ayaa waxa waddamo badan oo Yurub ah la soo derisay cabsi weyn oo dhinaca ammaanka, waddamadaas oo oo ugu horeeyeye waddanka Biljimka ee ay Faransiiska jaarka.

Tuhunadda dadkii gaystay weeraradaas Faransiiskii ayaa waxa lagu tuhunsan yahay in ay soo dhex mareenka Biljimka, iyadoo uu Biljimku weeraradaas ka dib maalmo kooban fasaxay dugsiyada iyo goobaha dadku isku yimaadaan.

Ciidanka booliska Biljimka oo adkeeyey sugid nabad-gelyada ayaa waxay qabteen laba oo shakiyey in ay qorshaynayeen weerar ay ku qaadaan dabaal-dega sannadka cusub taasi oo ka dhacaysay Brussels.

Dadkan lasoo qabtay ayaa waxa lagu soo qabtay hawgalo ay ciidanka boolisku fuliyeen Axaddi iyo Isniintii.

Booliska wayaa waxa uu qabtay dharka militariga iyo waxyaabo loo adeegsado faafinta wararka been abuurka ah, balse may qabin hub ama waxyaabaha qarxa.

bandhige@gmail.com