Burundi oo ku dhawaaqday wakhtiga doorashooyinka iyo mucaaridka oo diiday

Doorashada baarlamaanka Burundi waxa ay dhici doontaa 29 Juun ta madaxtooyaduna 19 July sannadkan. Sidaas waxa ku dhawaaqay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

Doorashooyinka Burundi ayaa dib u dhacay kadib markii toddobaayadii u dambeeyey ay caasimadda Burundi ee Bujumbura hadheeyeen qalalaase ka dhashay mudaharaadyo ay dhigayeen dadweyne ka gadooday in Madaxweyne Pierre Nkurunziza mar saddexaad isu soo taago doorashada madaxweynenimo.

Hadalkan madaxweynaha ayaa yimid maalin ka dib markii Afhayeenka Madaxweynuhu sheegay in aan laga gorgortami karin musharaxnimada madaxweynaha oo u taagan markiisii saddexaad. Waxa kale oo intaas ku daray inaanay dhici doonin dib-u-dhac danbe oo ku yimaad wakhtiga doorashooyinka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaridka ayaa sheegay inaanay suurtogal ahayn in wakhtigan lagu qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah iyagoo ku sababeeyey in wali kacdoonnadii shacabku ay dalka ka socdaan.

Mucaaridka Burundi iyo ururrada xuquuqda aadamaha ayaa ku doodaya in musharaxnimada uu Madaxweyne Nkurunziza mar saddexaad isu soo taagay jagada madaxweynenimo ay xadgudub ku tahay dastuurka dalkaas iyo heshiiskii nabadda ee 2006dii lagu soo gebo gebeeyey dagaalladii sokeeye ee socday 13-ka sanno.

“Madaxweyne Nkurunziza wuxuu ku dheel dheelayaa dadweynaha Burundi,go’aankanina waa mid uu kaligii qaatay” ayuu yidhi Vital Nshimirimana oo ah hoggaamiyeha koox ka ololaysa musharaxnimada Nkurunziza.

Dhinaca kale hoggaamiyaha mucaaridka Charles Nditije in doorashadani noqon doonto male-awaal mar haddii aanu Madaxweynuhu wada-xaajood la gelin mucaaridka sidii ay ku baaqeen madaxweynayaashii ka qaybgalay shirkii Tansaaniya ee bishii hore dhacay.

“Doorashada oo kaliya diidi mayno, waxanu sidoo kale diidi doonaa natiijada ka soo baxda” ayuu yidhi Charles Nditije.

bandhige@gmail.com