Qaramada Midoobay ayaa Israa’iil ka reebtay liiska ku-xad-gudbeyaasha carruurta

ATTENTION EDITORS - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATH A Palestinian relative of four sibling children of the al-Dalo family, who were killed in an Israeli air strike, reacts as he stands next their bodies at a hospital in Gaza City November 18, 2012. Ten Palestinian civilians were killed on Sunday in an Israeli air strike on a house in Gaza, Palestinian medics said, the highest civilian death toll in a single incident during five days of fighting. REUTERS/Mohammed Salem (GAZA - Tags: CIVIL UNREST CONFLICT) TEMPLATE OUT

Israa’iil waxa ay 557 carruur ah oo falastiiniyiin ah si xun ugu dishay weerarradii ay ku qaaday Qasa 2014-kii iyadoo sidoo kale dhaawacday tiro gaadhaysa 4251. Haddana Qaramada Midoobay waa ay ka reebtay liiskeeda sannadlaha ah ee lagu daro waddamada ku xad-gudba carruuruurta, taas oo dadweyne fara badan oo dunida ah ka yaabisay.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa ka dalbaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Baan Ki-Moon in uu Israa’iil ku daro waddamada ku xad-gudba xuquuqda carruurta. Waxa ay Israa’iil ku eedeeyeen in ay ka tallowday Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Dhawridda Carruurta.

Dood dheer oo ka dhacday xarunta Qaramada Midoobay waxa ay ku soo gabogabowday in Israa’iil laga reebay liiskaas.

“Aad baan ugu baraarugsanahay tacaddiyadii aadka u darnaa ee loo gaystay carruurta Qasa markii ay socdeen weerarradii Israa’iil ee 2014-kii, laakiin waxan go’aansanay in aan liiskii hore waxba lagu kordhin” ayuu yidhi Baan Ki-Moon.

“Dhibaatadii ku dhacday carruurta Qaza 2014-kii waxa ahayd mid aan la filayn isla markaana aan la aqbali karin, waxayna dhaliyeen su’aalo la xidhiidha in ay Israa’iil ka gudubtay Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Xuquuqda carruurta marka la eego xoogga xad-dhaafka ah ee ay isticmaashay iyo in aanay u kala aabo yeelin duqaynteeda” ayuu raaciyey Baan Ki-Moon.

Leila Zerrougui, haweenayda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo la-socodka rabshadaha hubaysan, warbixin ay diyaarisay oo ay u gudbisay Baan Ki-Moon waa ay ku dartay Israa’iil iyo Xamaas in labadaba liiska ku-xad-gudbeyaasha carruurta, laakiin sida muuqata markii dambe ayaa laga reebay.

Dhanka kale, Ron Prosor oo ah Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey in Israa’iil laga saaray liiskan.

Wakaaladda AFP ayaa maqashay Danjire Ron Prosor oo leh:

“Waa xaq in laga reebo Israa’iil liiska weji-gabaxa ah ee ay ku jiraan ISIS, Al-qaacida iyo Daalibaan.”

Bandhige@gmail.com