Daahir Rayaale oo dalka yimid Cali Warancadde-na gantaalo ku ganay

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa barqadii maanta ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, Hargeysa, kadib markii uu dalka ka maqnaa ku dhawaad saddex sanno isagoo haatan deggan Faransiiska.

Daahir Rayaale oo ay gurigiisa ku booqdeen weriyeyaal ka kala socday Royal, HCTV iyo Somali Channel ayaa waxa ay weydiiyeen sida uu u arko dib-u-dhaca ku yimid doorashada iyo in Siilaanyo oo wakhtigii uu mucaaradka ahaa ka soo horjeeday muddo-kordhinta haatan isagii loo kordhiyey. Wuxuna yidhi:

“Inaad isaga (Siilaanyo) weydiisaan bay ahayd oo aad tidhaahdaan wixii aad shalay mucaaridaysay maanta maxaad u jeceshahay. Aniga wakhtigaygii qarax baa madaxtooyada ka dhacay. Hindidii diiwaangelintii beenta ahayd inoo wadday ayaa baxsatay. Laakiin hadda qarax ma dhicin. Diiwaangelin xumaatayna ma jirto. Anigu waxan qabaa in laga heshiiyo ayay ahayd” ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynihii hore wuxu sheegay in uu wakhtigiisii tanaasulaad badan ka sameeyey arrimo aan sharci ahayna uu aqbalay isagoo ka doorbiday in doorashadu dhacdo intii ay dalka dhibaato ka dhici lahayd. Tanaasulaadkaas waxa ka mid ahaa in uu aqbalay in Komishankii Doorashooyinka ee uu madaxda u ahaa Jaamac Iswiidhan meesha laga saaro iyo in doorashada Madaxtooyada laga soo hor mariyo tii dawladaha hoose. Daahir wuxu sheegay in uu sidaas u yeelay lexejeclo uu dalka ka qabo.

Daahir Rayaale wuxu xilka ku wareejiyey Madaxweyne Siilaanyo 27-kii July 2010kii
Daahir Rayaale wuxu xilka ku wareejiyey Madaxweyne Siilaanyo 27-kii July 2010kii

Sidoo kale, Daahir Rayaale wuxu sheegay in ay ku fiicnayd in la raaco waxa Komishanka Doorashooyinku soo saaraan maadaama uu Komishanku arrintaas xaq u leeyahay. Wuxuna intaas raaciyey in ay habboonayd in la saxeexo wixii uu Komishanka Doorashooyinku soo saaray.

Weriye Faysal Fifa oo ka tirsan telefishanka Royal ayaa Daahir Rayaale weydiiyey in uu saaxadda siyaasadda ku soo noqonayo kuna biirayo xisbiyada midkood, wuxuna yidhi:

“Anigu xiiso uma qabo in aan ku soo noqdo…waxaban rabaa in aan tusaale u noqdo in qofka madaxnimo soo maraa uu xilka ka degi karo dadka kalena jaanis siin karo.”

Dhanka kale weriyaha ROYAL TV wuxu Daahir Rayaale weydiiyey in xisbigii UDUB uu saaxadda siyaasadda ku soo noqon doono iyo in kale, wuxuna Daahir yidhi”

“Waxan (apology) raaligelin ka bixinaynaa in xisbigaygii UDUB aan u dhiibay nin hankiisu aanu madaxweynenimo gaadhsiisnayn oo uu yahay wasiir, waa Cali (Warancadde) oo ku faanayey jeebkaan ku ritay xisbigii UDUB, oo aan baal maray nimankii hankoodu madaxweyne iyo ku-xigeen uu ahaa ee Jamaal iyo Cabdirashiid. Raaligelin baan ka siinayaa in aan iyaga baal maray oo ninkaa hankiisu yahay wasiirka iyo wax ka hooseeya aan xisbiga u dhiibay.”

Daahir Rayaale wuxu rajo ka muujiyey soo-noqoshada xisbiga UDUB wuxuna yidhi “Laakiin xisbiga UDUB wuu soo noqon doonaa. Waa taariikhdii aasaaska dimuqraadiyadda Somaliland”.

Muuqaalkii waraysiga ee telefishanka ROYAL hoos ka daawo:

Bandhige@gmail.com