Ciidanka nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay waxa ay inta badan samaynayeen galmo ay haweenka kaga iibsanayeen dhar, dahab, cadarro, telefoonada gacanta lagu qaato iyo agab kale, iyadoo laga mabnuucay in ay xidhiidho noocan oo kale ah sameeyaan. Sidaa waxa lagu sheegay warbixin uu diyaariyey Xafiiska Kormeerka ee Qaramada Midoobay ee magaciisa loo soo gaabiyo OIOS.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa gacanta ku dhigtay nuqul warbixintan ah oo aan weli rasmi loo baahin.
Xad-gudubyadan badankoodu waxay ka dhaceen waddamada Koongo, Laybeeriya, Hayti iyo Koonfurta Suudaan.
Xafiiskani markii uu daraasadda samaynayey waxa uu waraystay boqolaal haween ah oo deggan Hayti iyo Laybeeriya, waxana la waydiiyey sababta ay u ogolaadeen galmada ciidamada ilaallada nabada. Haweenku waxay ku jawaabeen in ay arrinkan ku kaliftay gaajo, saboolnimo, halka ay qaarkoodna sheegeen in ay ku kaliftay iyaga oo doonayey in ay kor u qaadaan hab-nololeedkooda.
Warbixintani waxay xustay in galmada caynkan lagu helaa ay iska caadi ka ahayd askarta qaramada midoobay dhexdooda laakiin ay yarayd inta cid loo sheegaa.
Qaramada Midoobay waxay hadda leedahay 125,000 oo milatari, boolis iyo dharcad isugu jira kuwaas oo ka qayb-qaata 16 hawl-gal oo ay dunida ka wadaan.
Warbixintani waxay bidhaamisay in marka la eego tiradha cinjirka galmada ee la isticmaalay iyo tirada dadka iska baadhayey fayraska HIV ay muujinayaan in galmada ay ciidamadu qaabkan ku helaan ay ahayd mid caado ah oo joogto ah.
2003-dii ayaa la joojiyey in ciidamada nabad-ilaalintu galmo iibsan karaan sababtoo ah waxa laga baqay in sumcadda Qaramada Midoobay iyo kalsoonida lagu qabaa ay baabaโ noqon doonto.
Xafiiska Kormeerka ee Qaramada Midoobay wuxu sheegay in 480 kiis oo arrinkan la xidhiidhaa ay dhaceen intii u dhaxaysay 2008-dii ilaa 2013. Haweenka galmadan loo gaystay marka saddex loo qaybiyo qayb ahaani carruur ayay ahaayeen.
Anneke Van Woudenberg, Ku-Xigeenka Agaasimaha Hayโadda u doodda xuquuqda aadamaha ee la yidhaa Human Rights Watch, wuxu sheegay in aanu arrinkani haba yaraatee ururkooda ku ahayn filanwaa. Wuxu yidhi
“Galmada lagu doorsanayo cuntada iyo agabka kale waxa ay ahayd dhaqan ay ciidankani muddo dheer caadaysanayeen. Cid dacwayn karaysayna ma jirin maadaama sharciga ay ku joogaan uu dhigayo in aan lagu maxkamadayn karin waddannada ay hawl-galka ka wadaan.
Weli lama oga goโaanka ay Qaramada Midoobay qaadan doonto iyo waxa ay warbixintani ka bedeli doono habdhaqanka ciidamada ilaalada.
Ilwareed: Aljazeera
bandhige@gmail.com