Caasimadaha Yurub oo ay la soo daristay cabsi xilliga dabaal-degga curashada sannadka cusub

Badi caasimadaha Yurub ayaa waxa lasoo derisay cabsi weyn oo dhinaca ammaanka, iyagoo qaarkood mamnuucay dirida rashka loo dabaal-dego curashada sannadka cusub.

Cabsida ka sokow booliska Biljimka ayaa waxa uu su’aalo weydiinayaa lix oo ay qabteen kuwaas oo looga shakiyey in ay qorsheynayeen weeraro ay ka gaystaan Brussels inta lagu gudo jira dabaal-dega curashada sannadka cusub.

Dhammaanba waxa la joojiyey dabaal-degyada rasmiga ah ee curashada sannadka cusub gaar Brussels.

Paris oo wali kasoo kabaynaysa weeraradii dhowaan loo gaystay, ayaa waxa la mamnuucay in la sameeyo ridida rashka, inkastoo dadweynaha loo ogolaaday in ay iskugu soo baxaan dabaal-dega sannadka cusub fagaaraha weyn ee Champs Elysees.

Dhinaca kalena Moscow ayaa waxa dadweynaha laga xidhay fagaaraha Red Square oo taas oo uu ka dhici lahaa dabaal-deg weyni.

Booliska Turkiguna waxa uu qabtay laba qof oo looga shakisan yahay in ay maleegayeen weeraro argagaxiso curushada sannadka sanadka cusub oo lagu bartilmaameedsanayey goobo ku yaala Ankara.

Guud ahaanba ammaanka caasimadaha Yurub ayaa ahaa habeenkii xalay mid aad loo adkeeyey.

 

bandhige@gmail.com