Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hambalyeeyey bulshada reer somaliland curashada sannadka cusub

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” waxa uu hambalyo iyo salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2016-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Somaliland, guddaha iyo dibeddaba. munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee dawladda, qaybaha ciidamada qalabka sida, goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga ALLAH uga baryey in ay sannadka 2016-ka kiisa kale ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo iyo horumar. Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” wuxuu shucuubta bulshada caalamka u rajaynayaa in sannadka 2016-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni.

 

bandhige@gmail.com