Xalay iyo Dubai: Huteel weyn oo dab-qabsaday iyo dabaaldeggii dunida ugu weynaa oo agtiisa ka socday

Hudheel ku yaala badhtamaha Dubai oo la yidhaa Address Hotel oo ka kooban 60 dabaq ayaa waxa qabsaday dab aad u weyn kaas oo ka bilaabaymay dabaqa labaatanaad ee hudheelka. Dhismaha hudheelkan dabku qabsaday ayaa waxa uu u dhow yahay dhismaha ugu dheer adduunka ee Burj Khaliifa oo ah daarta ugu dheer dunida isla markaana ah halka uu dabaal-deggii dunida ugu weynaa ee sannadka cusubi ka socday.

Waxa indhaha caalamka soo jiitay in iyadoo uu Address Huteel gubanayo uu Burj Khaliifana dab-ridku ka socday. Waxa shaashadaha dunida la is barbar dhigay labada dab ee midina hudheelka qabsaday kan kalena ay bani aadamku ku dabaal-degayeen.

Dabka ayaa waxa uu qabsaday dhismaha ka hor intii aanay bilaabmin xafladdii weynayd ee loogu dabaal-degeyey curashada sannadka cusub ee ka dhacday Burj Khaliifa. Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa go’aansatay in labada dab ay is barbar socon karaan iyadoo dedeaal badan gelisay sidii kan halcaya loo bakhtiin lahaa ka kalena loo shidi lahaa.

Dad lagu qiyaasay boqolaal kun oo qof ayaa taagnaa barxadda loogu dabaal-degayey sannadka cusub iyadoo halka dabka kale ka holcayeyna ay hal mayl u jireen.

Dad lagu qiyaasay 16 qof ayaa ku dhaawacmay Address Huteel, welina dhimasho wax dhimasho ah lama soo werin.

bandhige@gmail.com