Cabdilaahi Diiriye Sooraan ayaa xalay ku geeriyooday Hargeysa

Cabdilaahi Diiriye Sooraan ayaa xalay ku geeriyooday Hargeysa isaga oo in muddo ah u jiifay xannuun Cisbitaalka Hargeisa Neurology.

Marxuum Cabdillaahi Diiriye Sooraan wuxuu kaalin mug leh uu ka qaatay hanaqaadkii fanka ummadda Soomaaliyeed

Marxuunku waxa uu muddooyinkii danbe uu mu’adin ka ahaa masaajidka Nakhil oo suuqa hoose ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta dhambaal tacsi ah oo uu warbaahinta soo mariyey u gudbiyey marxuumka eheladiisa.

Dhammmulka iyo shaqaalaha Bandhige waxay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadkii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay, waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan saadiqa ah ka siiyo, marxuumkana alle janadiisa Fardawsa ka waraabiyo.

Aamiin Aamiin.

Bandhige@gmail.com