Caddaymaha musuq-maasuqa ee soo ifbaxayaa FIFA miyay gilgili doonaan mise way gambin doonaan?

FIFA oo beryaha qaar ahaan jirtay hay’ad lagu majeerto maamul-wanaag iyo karti ayaa maanta jiritaankeedii qirinqiir ku jiraa kadib markii ay gilgileen fadeexado la xidhiidha eedaymo musuq-maasquq, kuwaas oo caddaymahoodii qaar badan oo ka mid ahi soo ifbaxayaan.

Su’aasha hadda taagani waxay weeyi dhibaatooyinkani maxay FIFA saamayn ku yeelan doonaan maxayse ka beddeli doonaan go’aannadii ay hore u gaadhay?

Axaddii wargeyska Sunday ee Koonfur Afrika ka soo baxaa waxa uu qoray in ay farriimo telefoonka isku waydaarsadeen Xoghaya Guud ee FIFA Jerome Valcke iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki isla markaana ay is weydiisteen  lacag ka badan 10 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, taas oo loogu talo galay in la siiyo madaxda sare ee kubadda cagta si ay ugu codeeyaan martigelinta Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Koonfur Afrika 2010-kii.

Wargeysku wuxu sheegtay in uu Xogyaha guud ee FIFA Jerom Valcke uu diray Thabo Mbeki fariin uu ku waydiinayo goorta ay dawlada Koonfur Afrika soo dirayso lacagtaas.

Warbixinaha hordhaca ah ee ay soo saareen dawlada Maraykanku ayaa sheegtay in eedaymaha musuq-maasuq ee 10ka milyan ee kubbada cagta adduunka ay toos u galeen xisaabaad uu maamuli jiray Madaxweyne-ku-Xigeenkii hore ee FIFA Jack Warner, Agaasimihii Badhtamaha iyo Koonfurta Ameerica iyo Kareebiyaanka Chuck Blazer iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka sare kubbada cagta adduunka si ay ugu codeeyaan marti-gelintii koobkii adduunka ee 2010-kii.

Lacagtan ayaa ka baxday xisaabidka FIFA saddex jeer horraantii sannadkii 2008dii taasi oo uu maamulayey Warner sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda Maraykanku.

Dhinaca kale FIFA iyo dawladda Koonfur Afrika ayaa sheegay in lacagahani ay ahaayeen kuwo lagu caawiyey FIFA si ay ugu hor mariso ciyaaro-goboleedka Karibiyaanka. War qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa lagu daadafeeyey dhammaan eedaymahan loo soo jeediyey Koonfur Afrika waxana lagu tilmaamay dacaayad iyo been-abuur.

FIFA ayaan wali ka jawaabin fariimaha dhexmaray Xoghaye Valcke iyo dawladda Koonfur Afrika.

Jack Warner, Madaxweyne-Ku-Xigeenkii hore ee FIFA, wuxu ka mid yahay 14 saraakaal oo lagu soo eedeeyey musuq-maasuqa ay soo bandhigeen Maraykanku. Warbaahinta dunida ayaa saaka ilaa waxay waxa ay qorayeen in booliska caalamiga ahi uu bilaabay ugaadhsashada Jack Warner.

Khamiistii ina dhaaftay waxa la shaaciyey in Chuck Blazer uu maxkamad ku taal Maraykanka u qirtay in ay laaluush ka qaateen go’aankii ay FIFA ku ansixisay in waddamada Faransiis iyo Koonfur Afrika martigeliyaan koobabkii adduunka ee lagu qabtay sannadihii 1998 iyo 2010.  Blazer wuxu sheegay in xilligii laaluushka ay qaateen ay ku beegnayd ilaa 1992 markaas oo Faransiiska loo ansixiyey koobkii adduunka ee lagu qabtay 1998.

Qirashadii Blazer waxa ay ahayd tii horseedday baadhitaannada hay’adda FBI-du ku samaynayso hay’adda FIFA iyagoo hadda baadhitaankooda ku daray sidii loo kala saaray tartankii ay waddamadu u galeen cidda martigelinaysa koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022, kuwaas oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Gadar.

Madaxa anshaxa iyo hufnaanta ee FIFA Domenico Scala oo maanta la hadlay wargeysyada Iswiisarlaand sida ay qortay majalladda caanka ah ee Time wuxu sheegay in Gadar iyo Ruushka lagala noqon doonto martigelinta koobabka 2018 iyo 2022, waa haddii ay caddaadaan musuqmaasuqa hadheeyey go’aankii FIFA ay ku dooratay labadan dal.

Madaxweynihii FIFA Blatter ayaa ku dhawaaqay is-casilaad todobaadkii hore sababo eedahan la xidhiidha walow isagu aanu ka mid ahayn kuwa la eedaynayo. Jagadii uu banneeyey wali lama buuxin.

Dadweynaha adduunka ayaa bilaabay in ay su’aalo iska weydiiyaan waxa uu noqon doono mustaqbalka hay’addii xoogga badnayd ee FIFA. Waxa ay dad badani aaminsan yihiin in haddii eedahani caddaadaan ay hoos u dhici doonto kalsoonida ay adduunku ku qabaan FIFA, isla markaana hay’addani mustaqbalka noqon doonto wax ka duwan waxa ay maanta tahay.

bandhige@gmail.com