Xildhibaan Indho Indho waxa loo magacaabay Af-hayeenka Guurtida

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Axaddii soo saaray waqad uu Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan “Indho Indho” ugu magacaabay Af-hayeenka Golaha Guurtida.

Guddoomiyuhu warqaddiisa wuxu ku socodsiiyey xildhibaanada Golaha Guurtida iyo Saxaafadda Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho ayaa ka mid ah xubnaha ugu caansan Golaha Guurtida, isla markaana caan ku ah haddal caddaan iyo go’aannada Guurtida oo uu had iyo jeer si adag u difaaco.

Saxaafadda Somaliland ayaa maanta wixii ka dambeeya fursad u heli doonta ay ku hesho wararka guurtida maadaama aanay markii hore jirin cid lala xidhoodho oo aan shir-guddoonka ahayn.

Hoos ka akhriso warqadda magacaabista:

Xildhibaan Indho Indho magacaabid warqad