Carwada shaqo-abuurka dhallinyarada oo maanta laga furay Hargeysa

Carwadda shaqo-abuurka dhallinyarada farsamo-yaqaanka ah oo ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimahaba Bulshadu soo abaabushay ayaa maanta lagu daah-furay Maansoor Huteel, Hargeysa.

Carwada waxa furay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyadoo ay xayn wasiirro ahina goobjoog ahaayeen. Waxa ay socon doontaa 2 maalmood waxana loogu talo galay in dhallinyarta shaqo-abuur loogu sameeyo.

Shaqo la’aanta ayaa ka mid ah arrimaha ugu badan ee dhallinyaradu ka cawdaan marar badana waxa la sheegaa in ay sabab u tahay ardayda tahriibta marka ay jaamacadaha ka qalinjebiyaan.

Qaybo ka mid ah shariikadaha ganacsiga Somaliland, dhallinyarada shaqo-doonka ah, madaxda iyo shaqaalaha wasaaradaha qaarkood iyo marti-sharaf  kale ayaa furitaankii carwada ka qaybgalay.

Dhamaan masuuliyiintii madasha ka hadhashay waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in shaqo-abuur loo sameeyo dhallinyaradda si loo horumariyo mustaqblakooda.

Madaxweyne-xigeenka ayaa shariikadihii iyo xafiisyadii bandhigga carwada ka-qaybgalayey kula dardaarmay in ay ka durkaan qabyaaladda hannaanka ay wax ku shaqaalaysiinayaana uu noqdo mid tixgelin siinaya xirfadda iyo shaqsiyadda shaqo-doonka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in sannadkan xukuumaddu dejisay siyaasad ku salaysan in qofkasta kartidiisa iyo aqoontiisa lagu shaqaalaysiiyo.

Madaxweyne ku xigeenku mar uu faahfaahinayey faa’iidada ku jirta shaqaalahaaga oo aad ku soo xulato karti iyo aqoon wuxu tusaale u soo qaatay shirkadda biyaha ee Boorama oo uu ku tilmaamay in ay hannaankan ka faa’iidday.

Carwadani waa tii labaad ee nooceeda lagu qabto somaliland. Waa tallaabo xaga wanaagsan loo qaaday laakiin lama oga Wasaaradda Shaqaduna tiro ahaan kuma ay soo bandhigin waxa ay ka beddeli doonto shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta waddanka iyo sidii dhalinyaradda ka qalinjebisa jaamacadaha kala duwan loo jihayn lahaa.

Shirkadaha ganacsiga ee carwada ka soo qaybgalay waxa ay awoodda saareen ganacsigooda, mana ay soo bandhigin fikrado ku saabsan sidii loo kordhin lahaa shaqo-abuurka, walow ay qaarkood ka sheekeeyeen hannaanka ay wax u shaqaalaysiiyaa.

Maadaama aan markii hore dhallinyarada si rasmi ah loogu sii faahfaahin nooca ay tahay carwadu, qaar badan oo ka mid ahi waxa ay soo qaateen CV-yadoodii iyagoo filayey in ay shirkaduhu ka qabtaan si ay marka dambe ugu yeedhaan kuwa buuxiya shuruudaha shaqooyinka ay u baahan yihiin. Hase ahaatee shariikaduhu waxa ay maalintii koowaad ee carwada ku koobnaayeen qaybinta waraaqo faahfaahinaya adeegyadooda iyo wax-soo-saarkooda.

Dhallinyaro uu Bandhige ra’yigooda waydiiyey ayaa tibaaxay in maalintii koowaad ay carwadu u ekaatay mid ganacsi, laakiin ay ka dhursugayaan maalinta labaad iyo sida ay wax u dhacaan.

bandhige@gmail.com