“Dagaalkii Israa’iil ku qaadday Qasa sharci buu ahaa, gef dhacayna ma jiro” Warbixin

Xukuumadda Israa’iil ayaa maanta soo saartay warbixin ay diyaarisay Wasaaradda Caddaalladda iyadoo ay warbixinta wax ku darsadeen hay’adaha amnigu.

Warbixintan oo aad u faahfaahsan waxa lagu sheegay in dagaalkii ay Israa’iil ku qaadday Qasa uu sharci ahaa, wax xadgudub ah oo ay xukuumadda Israa’iil gaysatayna aanu jirin.

“Ma uu jirin ku-talo-gal cad oo ay Israa’iil ku beegsanaysay shacabka aan hubaysnayn intii uu socday dagaalkii Qasa” ayay tidhi warbixintu.

Warbixintu waa ay aqoonsatay in ay jireen dad rayid ah oo dagaalkaas wax ku noqday laakiin waxay ku dooday in aan si ku talo gal ah loo beegsan.

Dhinaca kale, warbixintu waxa ay xustay in Xamaas ay dhismeyaasha iyo meelaha shacabku ku badnaayeen gabbood ka dhiganaysay, istitaatijiyaddaas oo ay uga dan lahaayeen in ay ku badbaadaan taageero siyaasadeedna ku helaan.

Warbixintan waxa soo dhaweeyey ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, wuxuna ku tilmaamay in ay caddeyn u tahay sida uu sharciga u ahaa dagaalkii ay dawladda Israa’iil ku qaadday Qasa.

Hase ahaatee madaxda falastiiniyiinta ayaa ku gacan-saydhay kuna tilmaamay wax ay dawladda Israa’iil soo dhoobdhoobatay.

“Falastiiniyiintu waxa ay aqbali karaan oo kali ah warbixin ay soo saartay hay’ad caalami ah sida Qaramada Midoobay” ayuu yidhi Ihab Bseiso, afhayeen u hadlay hadlay Falastiiniyiinta uu ku sugan Raamalah.

Qaramada Midoobay ayaa horey u xaqiijisay in dagaalkii Qasa ay ku naf waayeen 2,139 kuwaas oo badankoodu rayid ahaa, halka ay Israa’iil-na kaga dhinteen 66 askari, lix qof oo ryaid ah iyo qof Thailand u dhashay.

Israa’iil ayaa markii ay warbixintan diyaarinaysay warwarkeedu ahaa in lagu daro liiska ku-xad-gubeyaasha carruurta, taas oo ay todobaadkii ina dhaafay dirqi lagaga reebay.

bandhige@gmail.com