Madaxweynaha Suudaan oo ka duulay Koonfur Afrika iyadoo xayiraaddii weli saaran tahay

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa u joojin waayey xayiraaddii ay maxkamadda Pretoria ku soo rogtay wuxuna hadda uun ka soo duulay Koonfur Afrika.

Maxkamadda Caalamiga ah ayaa rabtay in la soo xidho Madaxweyne Al-Bashiir, laakiin dalabkaasi muu fulin.

Goor dhaw marka uu Khartuum soo gadho ayaa la filayaa Madaxweyne Al-Bashiir in uu shir jaraa’id qabto.

Waxa la filayey in maanta gelinka dambe ay Maxkamadda Pretoria go’aan ka gaadhi karto in Madaxweyne Al-Bashiir uu South Afrika sii joogi karo iyo in kale.

Maxkamadda sare ee Pretoria, Koonfur Afrika, ayaa shalay amar xayiraad ah ku soo rogtay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo tagay Johannesburg si uu uga qaybgalo shirwaynaha 25naad ee Midowga Afrika.

Xayiraaddan ayaa looga gol lahaa in aanu Al-Bashiir dibedda uga bixin Koonfur Afrika si Isniintan maanta go’aan looga gaadho in loo dhiibo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo in kale.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo magaceeda loo soo gaabiyo “ICC” ayaa 2009kii soo saartay waaran lagu xidhayo Madaxweyne Al-Bashiir, kadib markii ay ku eedaysay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada iyo xasuuq ka dhacay gobolka Daarfuur ee Suudaan kuwaas oo uu gebi ahaantoodba deedifeeyey kuna tilmaamay waxba-kama-jiraan.

Maxkamaddani malaha bilays iyada u gaar ah hase yeeshee adeegsata kuwa waddamada ku jira heshiiskeeda iyo bileyska caalamiga ah ee loo yaqaan “Interpol.”

Al-Bashiir sannadihii hore wuxu tegi jiray waddamada aan heshiiska kula jirin maxkamaddan caalamiga ah, marka laga reebo socdaal uu hal mar ku tegay Nayjeeriya oo ka mid ah waddamada saxeexay heshiiska Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada taas oo an xidhin wakhtigaas laakiin kooxaha xuquuqda aadamuhu ay ku qayliyeen kadibna sababtay in uu safarkiisii soo gaabiyo.

Laakiin Sabtidii ayuu ka degay Koonfur Afrika oo ka mid ah waddamada saxeexay heshiishkii lagu abuuray Maxkamadda Caalamigaisaga isaga oo hoggaaminaya waftiga dawladda Suudaan ee ka qayb gelaya Shirwaynaha 25-aad ee Midowga Afrika.

Muksh Kapila oo ah madaxii hore ee hawlgalka Qaramada Midoobay ee Suudaan ayaa sheegay in aanu Al-Bashiir dib ugu noqon doonin Koonfur Afrika jugtan maanta ka gaadhay awgeed, taas oo uu ku tilmaamay guul.

Il-wareed: BBC News

Bandhige@gmail.com