Chelsea waxay u dabaal-degtay guushii koobka horyaalka Ingiriiska ee xilli-ciyaareedkan

Kooxda Chelsea ayaa u dabaaldegtay koobka horyaalka Ingiriiska oo ay ku guulasatay ka hor inta aan la gaadhin dhammaadka xilli-ciyaareedkan ka dib markii ay xalay ciyaartay ciyaarteedii ugu dambaysay.

Ciyaartan ugu dambaysay xilli-ciyaareedkan intii aanay bilaabmin ka hor, waxa abaal-marinta xidigga ugu wanaagsan xilli-ciyaareedkan la guddoonsiiyey ciyaartoyga reer Belgium Eden Hazard.

Hazard xilli ciyaareedkan wuxu ka mid ahaa xiddigihii Chelsea u suurto-galiyey inay ku guulasaysto koobka horyaalka iyo koobka “capital one” oo ay 2:o kaga qaaday kooxda Tottenham.

Ciyaartii ugu dambaysayna waxay Chelsea dhirbaaxo weyn gaadhsiisay kooxda Sunderland oo marti ugu ahayd Chelsea garoonkeeda Stemford Bridge, iyadoo kaga adkaatay 3:1, wallow ay  Sunderland ku horaysay gool-dhallinta.

chelsea 3

Dhinaca kale, waxay ahayd ciyaartii ugu dambaysay ee ciyaartoyga weyn ee Ivory Coast Didier Drogba uu u ciyaaro Chelsea sida uu ku dhawaaqay Axaddii.

“Waxaan doonayaa inaan ugu yaraan hal xilli-ciyaareed sii ciyaaro si aan ugu sii jiro ciyaarta kubbada cagta, taasina waxay u baahan inaan tago koox kale” sidaas waxa yidhi Didier Drogba mar uu waramayey mareegta kooxda Chelsea.

Wuxuu intaas raaciyey “waan ogahay in dhammaan taageerayaasha Chelsea i jecel yihiin, waxaan rajaynayaa inaan halkan ku soo laabto mustaqbalka anigoo door kale oo masuuliyadeed ciyaaraya.”

Drogba wuxuu horey uga tagay Chelsea xagaagii 2012, isagoo sannadkaas dhaliyey goolkii barbar-dhaca iyo rikoodhihii guushu ku raacday kooxda Chelsea tartankii Champion League-ga ee ku wada loolameen kooxda Bayer Munich.

Waxa diyaariyey: M. M. Dhamac

bandhige@gmail.com