Ciidamadii Ilaallada Madaxtooyada Burkiina Faaso ee afgambiga sameeyey oo la kala diray

Xukuumadda ku-meel-gaadhka ee Burkiina Faaso ayaa shaqada ka joojisay ciidamadii Ilaalada Madaxtooyada ee afgambiga sameeyey ee markii ay ukunka dib ugu celiyeen madaxweynihii ku-meel-gaadhka ahaa Michel Kafando, markii ay dhexdhexaadin ka sameeyeeen hoggaamiyayaasha Galbeedka Afrika.

Kulankii ugu horreeye ee dawladda ku-meel-gaadhka ahi yeelatay ayaa lagu soo saaray go’aanka kala-dirista ciidamada Ilaallada Madaxtooyada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqday go’aankan shaqo joojinta ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Kulanka ay xukuumaddu yeelatay ayaa waxa lagu magacaabay guddi soo baadha ciidamadii afgambiga ka danbeeyey.

Rabshadihii ka dhacay Burkiina Faaso tan iyo markii ciidamadu afgambiga sameeyeen ayaa waxa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 10 qof.

Halkan hoose ka akhriso wararkii hore ee Bandhige ka qoray afgambiga Burkiina Faaso:

Burkiina Faaso: Madaxweynihii la afgambiyey oo xukunkii dib loogu wareejiyey

Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika ECOWAS oo ka shiraya qalalaasaha Burkiina Faaso

Burkiina Faaso: Ciidamadii inqilaabka sameeyey oo aqbalay in ay xukunka dib u celiyaan

Madaxweynihii la inqilaabay ee Burkiina Faaso oo la sii daayay

Ciidamo inqilaab milateri kula wareegay talada dalka Burkiina Faaso

 

bandhige@gmail.com