Ciidamada Ugaandha ee jooga Soomaaliya oo ka cabanaya mushahar la’aan

Ciidamada Ugaadha ee ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaasi oo qayb ka ah hawl galka Midawga Africa ee AMISOM, ayaa ka cabanaya xaalad mushahar la’aaneed oo soo food saartay muddo dhawr bilood ah, xiligaasi oo ay dagaalo ba’an kula jiraan Ciidamada Ururka Al-Shabaab.

Sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan hawl-galka AMISOM ee ciidamada Ugaandha qaybta 14aad ayaa sheegay in 9-kii bilood ee la soo dhaafay aanay wax mushaar ah helin ciidamada dalkaasi Ugaandha.

Sidoo kale Jariidada ka soo baxda dalka Ugaandha ee lagu magacaabo The Daily Monitor ayaa qortay warar la xidhiidha mushahar la’aanta soo waajahday ciidamada Ugaandha ee ku sugan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM.

Ciidamadii ugu dambeeyey ee la keenay Soomaaliya bishii Oktoobar ayaa la sheegay wali ilaa hada in aanay wax mushahar ah qaadan.

Afhayeenka Ciidanka Milatariga dalka Ugaandha Kornayl Paddy Akunda ayaa xaqiijiyey in ay jirto Mushaar la’aan ay Ciidamadu ka cabanayaan wakhti xaadirkan, hase ahaatee waxa uu meesha ka saaray in aan ciidamadu muddo 9-bilood ah aanay mushahar qaadan.

Ciidamada AMISOM ee hawl-galka ka wadda gudaha dalka Soomaaliya, Ciidanka ugu badani waa Ciidamada dawlada Ugaandha hase ahaatee wakhti xaadirkan waxa soo foodsaatay xaalad mushaar la’aaneed.

Sida la wadda ogsoon yahay 1 bishan aynu ku jirno ciidamada dalka Ugaandha waxay la kulmeen weerar culus oo ay ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar gaadmo kusoo qaaday saldhig ay ciidamada Ugaandha ee AMISOM ay deganaayeen degmada Janaale, weerarkaasi oo ciidamda Ugaandha soo gaadhsiiyey Khasaare aad u balaadhan.

bandhige@gmail.com