Xaaji Cabdi Waraabe oo taageeray go’aanka wareejinta kaydka haamaha shidaalka

Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Yuusuf(Xaaji Cabdi Waraabe) oo mid ah Xildhibaanada Gollaha Guurtida ayaa taageeray go’aanka wareejinta kaydka haamaha shidaalka ee Berbera oo ay xukuumaddu qorshaheeda wado oo ay baarlamaankuna laaleen.

Hase ahaatee arrintan ayaa abuurtay khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay Xukuumada iyo Baarlamaanka oo diiday arrintaa wareejinta keydka haamaha shidaalka ee Berbera.

Xaaji Cabdi Waraabe oo arrintan ka hadlaaya waxa uu yidhi:

“Dawladii Soomaaliya ayaa ku baabaday in ay wixii la keenaba ay iyadu kaligeed isku duubto, oo ay hadal ka keento, arrintan haamaha shidaalka Berbera anigu waxaan qabtaa xukuumadu in ay meel wanaagsan ku bixisay, maadaama oo ganacsato reer Somaliland ah la siiyey.’’

Sidoo kale Xaaji Cabdi Waraabe oo hadalkii sii wataa ayaa fariin waayeelnimo ah u diray Xildhibaanada Gollaha Baarlamaanka waxaani yidhi:

“Waxaan leeyahay Gollaha baarlamaanka dawladii koonfureed ee Soomaaliya waa waxay ku baabaday ee yaynaan ku baabi’in muran yar oo sahlan. Waxa la yidhaahdaa halkaa hala toosiyo, oo malaha sidaas ayay ku qurux badan tahaye, laakiin is qabsashadu waa ceeb.”

Wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera ayaa muran hor xoogan ka abuuray baarlamaanka iyo xukuumadda oo rabta in ay ganacsato ku wareejiso.

bandhige@gmail.com