Ciyaaryahanno Ruush ah ayaa laga hor joogsaday ciyaaraha Olombikada Jiilaalka

13 ciyaartoy oo Ruush ah oo ka mid ah 28 ciyaartoy oo Guddida Olombikadu ay si abid ah uga mabnuucday ciyaaraha ayaa soo dalbaday in ay ka qayb galaan ciyaaraha olombikada ee jilaalka kadib markii maxkamad arrimaha ciyaaraha ka gar naqdaa ay ka qaaday xayiraaddii la saaray biladahoodiina loo soo celiyey iyadoo sheegtay in caddaymo ku filan loo waayey.

Haseyeeshee Guddida Olambikada ayaa sheegtay in kastoo ciyaaryahannadaa laga qaaday xayiraaddii aan haddan loo oggolaanayn in ay ciyaaraha olombikada jiilaalka ka qayb qaataan sababto ah waxa laga baqayaa in ay jabiyaan shuruucda la xidhiidha isticmaalka daroogada kordhisa tamarta iyo adkaysiga.

Haseyeeshee waxa ciyaarahan ha ka qayb qaadanaya 168 Ruush ah oo aan iyagu ka mid ahayn liiskii calaamad-su’aasha la saaray.

Dadweynaha Ruushka ayaa in badan oo ka mid ahi u aragtaa in Guddida Olombikadu ay si gaar ah u cadaadiso dalka Ruushka oo ay hoos-ka-tuur leeyihiin reer Galbeedka.

Bandhige@gmail.com