Madaxweyne Muuse Biixi wuxu maanta booqasho kormeer ah ku tagay xarunta guud ee xisbiga Kulmiye

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii koowaad booqasho ku tagay xarunta xisbil-xaakimka tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.

Booqashada Madaxweynaha ayaa sida uu sheegay Xoghayaha Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ah mid ay isku xog waraysanayaan xubnaha xisbiga kadib markii loo dhaariyey Madaxweyne ee uu soo dhisay xukuumad.

Hoos ka daawo muuqaalka warbixin uu diyaariyey weriyey Ridwaan Akiid.