Daahfurka Waaxda Isku-dubaridka Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiis-ku waxay maanta daahfurtay Waaxda Isku-dubaridka mashaariicda dhallinyarada.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin oo furay xafladdii daahfurka oo manta ku qabsoontay Maansoor Huteel, Hargeisa, wuxuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay samaynta Waaxdan rajaynayona in ay Wasaaradda ku soo kordhin doonto waxqabad hor leh.

Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Sayid Cumar oo isaguna ka hadlay munaasibaddii furitaanka ayaa sheegay in waaxdani qaban doonto shir saddex biloodle ah si ay daneeyayaasha Wasaaradda warbixin uga siiyaan wixii qabsoomay iyagana uga dhagaystaan waxqabadkooda.

“Waaxdani waxay ka warhayn doontaa hadba halka uu marayo horumarka dhallinyarada Somaliland iyo wixii dhib ah ee ku soo kordha. Waxayna qaban doontaa shir saddex-biloodle ah” ayuu yidhi Sayid Cumar.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire wuxu goobta ka sheegay muhiimadda ay dhallinyaradu ugu fadhido Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in mar walba hawlahooda loo dardargeliyo.

“Dal kasta mustaqbalkiisu wuxu ku xidhan yahay da’yartiisa. Sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay in dhallinyarada maanta loo diyaariyo xilka berito sugaya” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Dr. Sacad wuxu dhallinyarada kula dardaarmay in ay ku xidhnaadaa xarumaha caafimaadka ee UNFPA halkaas oo uu xusay in ay ka heli karaan adeeg caafimaad oo wanaagsan.

Guddoomiyaha SONYO Siyaad Cali Cumar oo ka hadlay munaasibaddii furitaanka ayaa sheegay in waaxdani  noqon doonto tii todobaad ee Wasaaraddani yeelato laguna soo bandhgi doono amuuraha dhallinyarada iyo horumarkooda sida mashruuca weyn ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada oo lacagtiisu tahay hal milyan iyo badh Doollarka Maraykanka ah.

Gebogabadii waxa xafladda soo afmeeray Wasiir-ku-Xigeenka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas oo sheegay in waaxdani ay si weyn u dardargelin doonto hawlaha dhallinyarada.

“Boqolkiiba todobaatan iyo laba dadkeenu waa dhallinyaro iyo carruur. Waxa loo baahan yahay in la jiheeyo horumarkoodana laga shaqeeyo” ayuu yidhi Wasiir Garas wuxuna raaciyey in Wasaaraddiisu ay Wasaaradda Qorshaynta kala shaqayn doonto sidii habsami loogu qoondayn lahaa loona maamuli lahaa Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada.

Yuusuf Garas wuxuu ku soo gebo gebeeyey in wax badan oo horumar ah la qabtay, wax badanna hadhsan yihiin. Wuxuuna carabka ku dhuftay in ay Wasaaradda Qorshaynta ka wada shaqaynayaan qoondeynta lacagta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland taas oo wax ka tari doonta dhibka tahriibka, shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka kale ee dhallinyarada soo waajaha.

bandhige@gmail.com