Wasiirka Qorshaynta oo sheegay in Somaliland aanay ka mid ahayn tirokoobka Soomaaliya shaacisay

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa si uu uga halceliyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdi Caynte oo shalay soo bandhigay tirokoob uu ku sheegay in uu koobsanayo 18-kii gobol ee Soomaaliya la isku odhan jiray.

Dr. Sacad wuxu warbaahinta u sheegay in tirokoobka Somaliland uu ahaa mashruuc Somaliland u gooni ah Soomaaliya-na, haba yaraatee, aanay wax shaqo ah ku lahayn.

“Waanu kala shaqaynay Hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay in tirokoob qiyaas ku dhisan laga sameeyo Somaliland wuxuna ahaa mid gaar inoo ah. Sidii aanu markii hore ku wada shaqaynaynay hadda iyo warbixinta ay UNFPA noo soo gudbisayba waxay muujinayaan in tirokoobka laga sameeyey Soomaliland aanay wax shaqo ah isku lahayn ka Soomaaliya” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Sacad wuxu sheegay in warka ay shaacisay dawladda Soomaaliya uu yahay mid ay ka soo xigatay warbixinta UNFPA isla markaana ay iyadu isku gaysteen tirooyinka dadka gobollada ay u taqaan in ay Soomaaliya yihiin, laakiin ay runtu tahay in Somaliland keedu gooni yahay, markii horena ay gooni u samaysatay.

“Qofku wuxu doono wuu iska sheegan karaa laakiin xaqiiqdu waxa weeyi in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo jaar ah. Tirokoobka ay UNFPA xagooda ka samaysay iyo keena waxba iskagama shaqo aha” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Dr. Sacad wuxu sidoo kale xusay in UNFPA ay xaq u leedahay in ay warbixin ka samayso tirkoob-kii Somaliland, laakiin ciddii warbixintaas si khalad ah u isticmaalaysaa aanay fasax uga baahnayn Somaliland.

Hase ahaatee war-saxaafadeed uu Wasiirku soo saaray goor dambe oo maanta ah oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Bandhige, wuxu Wasiirku sheegay in Somaliland ka xumaatay in hay’adda UNFPA ay Soomaaliya kala qayb-qaadatay xafladdii lagu soo bandhigay tirokoobkan. Wuxuna yidhi:

Waxase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xunnahay in hay’adda UNFPA xogtii Somaliland ay siisay Soomaaliya, kalana qaybgashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso natiijadii tiro-koobka Somaliand. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wadashaqayntii Somaliland iyo hay’adda.

Dhanka kale, xogo la isku halayn karo oo aanu ka helnay qaar ka mid ah shaqaalihii 2013-kii sameeyey tirokoobkan qiyaasta ku dhisan ayaa xaqiijiyey in Somaliland ay si madaxbanaan u maamulaysay mashruuca isla markaana ay Wasaaradda Qorshaynta Qaranku tirokoobka ka samaysay gobollada Somaliland oo dhan laakiin hay’addu ay dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan oo kaliya taageertay.

“Horta wuxu tirokoob rasmi ah muu ahayn ee wuxu ahaa qiyaas lagu samaynayey tirada dadweynaha. Magaca mashruucuna wuxu af-ingiriisi ku ahaa ‘Population Estimate Survey’. Gobollada Somaliland-na waxa ka fulisay Wasaaraddeena Qorshaynta iyadoo aanay cidina farogalin.” Sidaas waxa yidhi qof shaqaale ka ahaa mashruuca kana cudurdaartay in magaciisa la xuso maadaama aanu fasax u haysan in uu ka hadlo arrinkan.

Si kasta oo ay tahayba, maaha wax cusub in Soomaaliya ay sheegato wax kasta oo ay wada lahaayeen gobolladii la isku odhan jiray Soomaaliya ka hor 18 May 1991.

Tanina kama duwana hawada Somaliland ee ay Soomaaliya sheegato in ay iyadu maamusho iyadoo aan wali fulin heshiiskii dhigayey in si dhexdhexaad ah oo wada-jir ah Hargeysa loogu maamulo hawada Somaliland iyo ta Soomaaliya.

Hoos ka daawo shir-saxaafadeedkii wasiirka oo dhammaystiran.

 

bandhige@gmail.com