Waddani oo la sheegay in uu soo debcay iyo doorashooyinkii oo laga yaabo in la qabto December 2016

Weriye ka tirsan Bandhige oo si dhaw ula socday dhaqdhaqaaqyadii isu-soo-dhawaynta ee maanta Hargeysa ka socday ayaa soo ogaaday in la isku af-gartay xiliga doorashadu dhacayso.

Guddoomiyaha Waddani waxa maanta gelinkii hore waanwaan iyo qancin ula tagay Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo koox is xilqaantay oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah kuwaas oo kala gaar u socday.

Sidoo kale waxa dhinacyada maanta la kulmay Safiirka shaqadu ka sii dhammaanayso ee Ingriiska u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan isagoo sida la sheegay markii hore sii-nabadgalyeyn u yimid Somaliland markii dambena wada-xaajoodka dhinac ka galay.

Guddoomiye Cirro wuxu ergooyinkii u sheegay in uu ogolaanayo haddii la xaqiijiyo in aan doorashada la dhaafinayn 2016.

Sida warar xogogaal ahi nagu soo gaadhayaan xisbiga Kulmiye wuxu codsaday in doorashadu dhacdo Khamiis 15 December 2016, taas oo UCID aqbaleen Waddanina la rajaynayo in uu sidaas oo kale yeelo. Haddii sidan la isla garto doorshadu waxay ku soo beegmi doontaa wakhti jiilaal ah.

Jadwalkan cusub ee doorashooyinku wuxu afar bilood oo kaliya ka yar yahay wakhtigii Golaha Guurtidu kordhiyeen, shan bilood iyo badh-na ka badan yahay wakhtigii Guddida Doorashooyinku soo jeediyeen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sida la sheegay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka ogolaaday wakhtigan cusub ee xisbiyadu isla qaateen. Wuxu sidoo kale Madaxweynuhu kooxdii wada-xaajoodka Kulmiye u qaabisanayd u sheegay in uu Guurtida ka codsan doono in ay waafaqaan waxa ay saddexda xisbi ku heeshiiyaan.

Haddii arrimuhu sida ay hadda ku socdaan wax waliba ku dhammaadaan, caawa ayaa la rajaynayaa in la qabto xaflad saddexda xisbiba heshiis ku saxeexaan, taas oo sumcaddii ay Somaliland ku lahayd xallinta khilaafaadka cirka sii gayn doonta dadweynaha Somaliland oo dhegta taagayana nafis u keeni doonta.

Gaar ahaan, go’aankan cusubi wuxu ka farxin doonaa Beesha Caalamka oo beryahan dambe walaac weyn ka muujinaysay muddo-kordhintii Golaha Guurtida, xukuumaddana ugu baaqday in la fuliyo oo kaliya wixii ay saddexda xisbi isku raacaan.

Hase ahaatee Golaha Guurtida ayaa laga yaabaa in ay weji-gabax ku noqoto go’aankoodii oo wax laga beddelayo walow aanay u badnayn in ay ka hor iman doonaan go’aan ay xisbiyadu isla qaateen Madaxweynuhuna aqbalay.

Kala soco bandhige wixii hadba soo kordha.

Bandhige@gmail.com