Daalibaan ayaa waxay hoggaamiye cusub u doorteen Mullah Akhtar Mansoor

Daalibaan ayaa waxay hoggaamiye u doorteen Mullah Akhtar Mansoor ka dib markii dawladda Afqaanistaan ku dhawaaqday dhimashada hogaamiyihii Daalibaan Mulla Cumar oo ay sheegtay inuu geeriyooday 3 sanno ka hor.

Mullah Akhtar Mansoor ayaa ku xigeen u ahaa Mullah Cumar, maamuli jirayna garabka siyaasiga iyo milateriga Daalibaan.

Warka hoggaamiyaha cusub oo lagu dhawaaqay Khamiistii, ayaanay wali ilaa had si rasmi aanay u shaacin ururka Daalibaan, hase waxa xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan Daalibaan.

Dhinaca kale Maraykanka ayaa isna sheegay in wararka la xidhiidha geerida Mullah Cumar ay u muuqdaan inay yihiin kuwo la isku hallayn karo, isla markaana ay hay’adaha sirdoonka Maraykanku ku mashquulsan yihiin baadhitaanka sababaha keenay geerida hoggaamiyihii ururka Daalibaan.

bandhige@gmail.com