Dad loo xidh- xidhay gaadhigii laga dhex helay 71 qof ee maydka ahaa

Dhowr qof ayaa lagu xidhay waddamada Ustari iyo Hungari ka dib markii 71 qofkii ee meydkooda laga helay gaadhiga nooca xamuulka qaada waddanka Ustariya meel u dhow xadka uu la wadaago Hungari.

Booliska Ustariya ayaa sheegay inay u xidheen dhacdadan saddex qof, halka dhigooda Hungarina aya xidheen afar qof, ma jiraan waxa bixino dheeraad ah oo ay booliska soo saari wali.

Booliska ayaa markii hore tirada meydadka ka dhigay 20 ilaa 50 markii ay heleen gaadhiga Khamiistii, balse Jimcihii ayey boolisk dib u eegeen tirada ka dibna gaadhay 71 meyd.

Afhayeenka Booliska Ustari ayaa sheegay in meydadka la helay ay kooban yihiin 59 rag ah, 8 dumar ah iyo 4 carruur ah oo ku jir ilmo yar.

Sidoo kale waxa uu sheegay meydadka la helay in ay u badan yihiin dad u dhashay Suuriya sida laga helay dokamantiyada socdaalka Suuriya, hase yeeshee ay u baahan tahay baadhis dhamaystiran lagu sameeyo.

Dhinaca kale booliska Hungari ayaa sheegay in ay xidheen afar oo saddex ka mid ahi u dhasheen Bulgaariya iyo mid Afqaanistaan u dhashay, 20 kalena baadhis ku socoto ka dib markii lgu qabtay guri ay deganaayeen.

Dadka muhaajirihiinta ku qulqulaya Yurub ayaa sannadkan sare u kacday ka markii daqaaladu ka qarxeen waddamada Suuriya iyo Liibiya.

Halkan hoose ka akhriso wararka la xidhiidha warkan ee Bandhige ka qoray:

Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay dawladaha Yurub in ay kordhiya gargaarka loo fidiyo muhaajiriinta

Ustariya oo meydadka 71 muhaajiriin ah laga helay gaadhi

bandhige@gmail.com