Mo Faarax oo mar kale ku guulaystay tartanka 5,000M, noqdayna ciyaaryahanka ugu biladaha badan taariikhda Ingiriiska

Ciyaaryahanka caanka ah ee Mo Faarax ayaa mar labaad sideed maalmood gudahood soo hooyay guul taariikhi isaga oo ku guulaystay tartanka 5000 ee mitir ee Horyaalka Ciyaaraha Fudud ee ka socda magaalo-madaxda Shiinaha, Bijiin.

Mo Faarax wuxu oradkan 5000 ee mitir ah ku soo gabogabeeyey rikoodh cusub oo ah 13 daqiiqo iyo 50.38 ilbidhiqsi. Wuxuna sidaas ku noqday ciyaaryahankii ugu biladaha dahabka badnaa taariikhda Boqortooyada Ingiriiska, guushan uu maanta gaadhayna waa tii todobaad tan iyo 2011-kii.

Mo Faarax ayaa waxa uu ka dheerayey labada orodyahan Caleb Ndiku oo u dhashay Kiiniya oo ku orday 13 daqiiqo iyo 51.75 ilbidhiqsi iyo Hagos Gebrhivet oo u dhashay Itoobiya oo ku orday 13 daqiiqo iyo 51.86 ilbidhiqsi.

Xagaagani wuxu ahaa mid ku adag Mo Faarax kadib markii macallinkiisa lagu soo eedeeyey in uu isticmaalo daroogo, taas oo Mo Faarax iyo macallinkiisa Maraykanka ah ee la yidhaa Alberto Salazar ay labadooduba ganafka ku dhufteen.

Si ka duwan sidii la filayey, Mo Faarax wuxu hantay labadii biladood ee uu tartamayba oo kala ah 10000 mitir iyo 5000 mitir.

Hoos ka Daawo guusha Mo Faarax gaadhay.

Hoos ka akhriso guushii hore ee Mo Faarax gaadhay todobaadki hore:

Mo Faarax oo ku guulaystay tartanka 10,000 mitir ciyaaraha ka socda Beijing

bandhige@gmail.com