Masar oo xukuntay suxufiyiin ka tirsan Al-jazeera

Saddex Weriye oo u shaqaynayey telefiishanka Al-jazeera ayey Maxkamad ku taalla Masar ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah.

Weriyayaashan ayey Maxkamaddu ku heshay dembi ah in ay taageero u fidinayeen ururka Ikhwaanul Musliim oo dalkaas laga mamnuucay.

Xasan Farid oo ahaa xaakinkii xukunka ku riday weriyayaasha ayaa sheegay in suxufiyiintani ay wateen qalab aanay ogolaansho siinin saraakiisha ammaanku, isla markaana ay fidinayeen warar been abuur ah, waxayna qolkooda hurdada u isticmaalayeen xarun ay ka baahiyaan wararka iyaga oo aan ruqsad u haysan.

Maa markii koowaad ee Masar xukun ku rido weriyayaal ka tirsan Al-Jazeer.

Weriyayaal aljazeera

bandhige@gmail.com