Dadka Ingiriiska oo Masar laga daad-gureynayo

Shirkadaha Diyaaraddaha Easyjet, Monarch, Thomson iyo British Airways ayaa bilaabay daad-gureynta dalxiisayaasha u dhashay Ingiriiska ee ku sugan Sharma Sheekh, ka dib markii uu ku dhawaaqay Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron.

Dalxiisayaasha dib loo daad-gureynayo ayaa oo loo ogol yahay in qaataan alaabta ay gacanta ku sitaan oo kaliya. Dalxiisayaashan la gurayo ayaa waxa aad u baadhaya ciidamada amniga ka dib markii looga shakiyey in qarax bam soo riday diyaaraddii Ruushka eek u burburtay Sinai.

Dad gaadhaya kumanaan u dhashay Ingiriiska ayaa weli ku sugan Sharma Sheekh  ka dib markii Ingiriisku hakisay duulimaadyaddii aadi jirey Sharma Sheekh.

Inkastoo Ingiriiska iyo Maraykankuba isku raaceen in shaki badan oo laga qabo in bam qarax soo riday diyaaraddii Ruushka ee ku burburtay gacan Sinai ayaa waxa ay Masar sheegtay in go’aankaa lagu degdegay oo aan la gaadhin wakhti go’aan la qaadan karo, ayna wanaagsanayd in ay saaxibadooda Ingiriiska iyo Maraykanku la wadaagaan xogta ay hayaan.

bandhige@gmail.com