Guddoomiyaha Waddani oo dalka ku soo guryo-noqday

Guddoomiyaha Waddani, ahna Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii safar muddo bil ah qaatay ugu dalka dibeddiisa ku maqnaa.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo taageerayaa ayaa ku soo dhoweeyey Guddoomiye Cirro maddaarka Cigaal ayaa waxa uu ka hadlay wakhtiga shirweynaha Waddani dhici doono iyo khilaafka ka aloosan shirweynaha xisbiga Kulmiye.  Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

 “Waxaan ka xumahay oo aanan ku faraxsanayn khilaafka soo dhex galay Kulmiye oo xisbi qaran ah. Waxaan u rajaynayaa khilaafkooda in ay xalistaan shirkooduna u qabsoomo. Waxa kale oo naxdin lahayd in ay xukumadda ka dareeraan in ka badan 10 wasiir. Xukumaddu waa xukumaddii qaranka xisbigay doonto ha laga dhisee, way ka duwan tahay xisbiga oo waxay masuul ka tahay maamulka dalka. Waxay masuul ka tahay qabashada doorashada, waxay masuul ka tahay nabadgalyada. Runtii arrintaasi wer-wer badan bay galisay beesha caalamka iyo xisbiyada mucaaradka ah, arrintaas xalkeeduna wuxuu saaran  yahay Madaxweynaha .”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ugu  baaqay shacabka in ay ilaashadaan ammaanka iyo nabad-gelyada . waxa kale uu sheegay in ay soo dhowaynayaa masuuliyiinta ka soo baxa xisbiga Kulmiye oo loolan adagi ka taagan yahay.

Gebogebadii waxa uu ka hadlay wakhtiga uu Waddani qabanayo shirweynaha xisbigooda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“ Qabashada xisbiga shirkiisu ma foga. Waxaan isleeyahay sannadku intaanu dhammaan baanu qabsanaynaa ama ka soo socda horraantiisa Inshaa Allah.”

bandhige@gmail.com