Dadweynaha Hargeysa oo biyo-dhaamis u baahan xaalad biyo la’aaneed awgeed

Maalmihii u danbeeyey ayey biyo la’aan baahsan soo foodsaartay shacabka ku nool xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa.

Bulshadda ku dhaqan Hargeysa ayaa biyaha ku hesha laba qaybood, habka biyo gelinta wakaalada qasabadaha iyo habka biyo dhaamiska booyadaha iyo gaadhi gacmeedka.

Qiimaha biyaha ayaa gaadhay foostadii 30,000 oo shillin iyadoo waliba sida lagu helaa ay aad u adag tahay.

Xalaadan biyo la’aaneed ee aadka looga dareemay Hargeysa ayaa imanaysa wakhti Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso laba mashruuc, midi yahay mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa iyo mashruuca Xunbo weyne.

Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Xukuumadda ayaan wali is gaar ah uga hadlin xalaadan biyo la’aaneed ee soo foodsaartay dadweynaha ku nool Hargeysa, walow ay xukuumaddu shalay ku dhawaaqay biyo dhaamis lala gaadho goobaha ay biyo la’aantu  ka jirto guud ahaan dalka.

Inkastoo ay biyo la’aan baahsani ka jirto guud ahaan dalka, haddan waxa maalmahan aad looga dareemay magaalada Hargeysa iyo deegaanadda miyiga

Dadweynaha Hargeysa ayaa u dhag taagaya biyo dhaamiska ay xukuumaddu ku dhawaaqday iyo dhawaaqa Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay kaga jawaab celinayaa xaaladan biyo la’aaneed ee taagan Hargeysa.

bandhige@gmail.com