Xaglo-toosiye wuxu Puntland uga digay in ay qas ka abuuraan gudaha Somaliland

Wasiirka Caafimaadk Somaliland oo u warramay Wakaaladda Wararka Somaliland wuxu digniin adag u diray Puntland oo uu sheegay in ay shalay isku dayday in ay Buuhoodle ka xusto maalinta aasaaska Puntland oo ku beegan 1da August 2015, taas oo abuuri gaadhay qas iyo buuq hor leh.

Wasiirku wuxu sheegay in dadweynaha reer Buuhoodle ay hor jeegsadeen dad uu ku tilmaamay in ay ahaayeen calooshood-u-shaqaysteyaal uu soo diray Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

“Wuxu ahaa shirqool maamulka Puntland soo abaabulay oo uu ku baabinayey nabadgelyada halkaas ka jirtay, laakiin nasiib wanaag dadweynaha reer Buuhoodle waxa ku kacay ummadda Somaliland iyo shacabka Buuhoodle, sidaas ayaanu ku fashilmay.”

Wasiir Xaglotoosiye wuxu Puntland u sheegay in aanay xuska Puntland ka samayn karin xuduudaha Somaliland dhexdeeda.

“Shacabka Buuhoodle iyo ciidanka Somaliland waxan ku ammaanayaa sidii sharafta lahayd ee ay ugu quus-gooyeen dhuuni-raaceyaashii Garoowe laga soo diray” ayuu Wasiir Xaglotoosiye.

Deegaanka Buuhoodle ayaa xasiloon laga soo bilaabo intii Somaliland iyo dadka deegaankaasi ay wada-saxeexdeen heshiis nabadgalyo. Intii ka dambaysayna waxay Somaliland ka fulisay mashaariic horumarineed. Hase ahaatee waxa soo noqnoqota safaro ay mararka qaar ku yimaadaan masuuliyiin ka tirsan Puntland taas oo buuq siyaasadeed ka aloosta gudaha magaalada Buuhoodle.

Hoos ka daawo muuqaal la codeeyey oo Wakaaladda Wararka ee dawliga ah ee Somaliland ay xalay baahisay:

Bandhige@gmail.com