Dadweynaha Turkiga oo doorashada baarlamaanka u dareeray

Muddo shan bilood gudaheed ah ayaa waxay dadweynaha Turkiga u dareeray doorashadada baarlamaanka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa waxa doorashadii hore uu la kulmay guul-daro weyn uu ku waayey aqlabiyada baarlamaanka, inkastoo ay burbureen dadaalo lagu doonayo in lagu dhiso xukuumad isbahaysi ah.

Heshiisyo hore oo xabad joojin ah oo ay xukuumaddu la gashay maleeshiyada Kurdiyiinta ayaa burburay iyaguna.

Ololaha doorashadan ayaa waxa lagu galay ammaanka oo ah waxyaabaha dadweynaha Turkigu ahmiyada saarayaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa balan qaaday in uu soo celin doono xasiloonida ammaanka haddii xisbigiisa uu helo aqlabiyada codbixiyayaasha.

Sidoo kalena waxa mucaaridku ka digeen guul weyne oo ay gaadhaan xisbiga Erdogan ay sii kordhinayso waxa ay ku sheegeen xukunka kali-talisnimada ee Erdogan.

bandhige@gmail.com