Dirir laba beelood ku dhexmartay Qoriiley oo ayey Somaliland ku eedaysay in ay ka qayb qaatay askar Puntland ahi

Dirir laba beelood ku dhexmartay deegaanka Qoriiley oo ka tirsan Gobolka Sool ayey Somaliland ku eedaysay Puntland in ciidamadeedu ka qayb qaateen dagaalkaasa,

Badhasaabka Gobolka Sool ayaa waxa uu u soo jeediyey beelaha ku diriray deegaankaas in ay iyagu dhexdooda xal nabadeed ka gaadhaan colaadan.

Badhasaabka oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:

Dagaalbaa shalay ka dhacay meel la yidhaahdo qoriiley, dagaalkaaas waan ka xumahay waayo waxa lagu dilay dad shacab ah oo beri ka ah colaada, waxa aan ku eedaynayaa in ay dagaalkaasi ka qayb qaateen ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaas oo watay tikniko xoogan. Waxay ciidamadaasi laayeen dad shacab ah oo Somaliland u dhashay, meesha ay ka dagaalameena waa guddaha Somaliland.”

Badhasaabka Gobolka Sool ayaa baaq u diray dhammaan dadki dirirtu dhexmartay, taaso oo u soo jeediyey in ay xal dhexdooda ah ka gaadheen colaadan ka dhex qaraxday.

Sidoo kale waxa uu badhasaabku ku faray Puntland in ay ay joogiso fara-gelinta noocan oo kale ah.

bandhige@gmail.com