Diyaarad ay leedahay Air France oo lagu arkay wax u eg bam kadibna degdeg loo fadhiisiyey

Shirkadda diyaaraddaha ee Air France oo ka soo duushay Mauritius kuna sii jeedday Paris ayaa si degdeg ah ugu  ku degtay dalka Kiiniya ka dib markii ay shaqaalaha diyaaraddu arkeen wax bam u eg oo suuliga yaalla.

Diyaaraddan oo ahayd Boeing 777 lambarka duulimaadkeeduna ahaa AF 463, waxay sidday rakaab tiradiisu dhan tahay 459  iyo 14 shaqaalaha diyaaradda ah, isu geyn 473 qof.

Sarkaal ka tirsan booliska Kiiniya ayaa sheegay in duuliyaha diyaaraddu uu ka codsaday in ay diyaaradda si degdeg ah u fadhiisiyaan isga oo sababtana ku sheegay cabsi ah ka qabaan wax bam u eg oo diyaaradda dhexdeeda lagu arkay.

Waxa haatan diyaaradda ku dhex jira khubaro ku takhasustay waxyaabaha qarxa si u kala xaqiijiyaan walaxda suuliga lagaga tagay. Rakaabkii diyaaradda saarnaa waxa u timid diyaarad kale oo u qaadday halkii ay ku socdeen oo Paris ahayd.

Warkan oo hadda uun soo dhacay waxan filaynaa in dhawaan ay ka soo baxaan faahfaahin dheeraad ahi. Kala soco Bandhige hadba wixii ammuurtan ka soo kordha.

bandhige@gmail.com