Diyaaradaha dagaalka Suuriya oo bilaabay duqayn dhinaca cirka

Ciidamada cirka Suuriya ayaa bilaabay duqeyn dhinaca cirka oo isdaba jog ah ay ku qaadeen goobaha ay gacanta ku hayaan falagada ka soo horjeeda.

Sida la sheegay waxa ku dhintay 15 qof markii diyaarada qumaatiga u kacaa ay duqeyn ka gaysteen magaalada Busra Alsham ee Gobolka Darca.

Wararka laga helayo Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada cirka Suuriya duqaymo kale duwan ka gaysteen magaalooyin kale oo dhinaca waqooyi.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxa ku dhintay duqaynta diyaaradaha dagaalka dadka gaadhaya 40 qof gaar ahaan magaalada Xalap.

bandhige@gmail.com