Kureeshiya oo xuduudeeda ka xidhatay qaxoontiga

Todobaadkii hore ayey ahayd markii Kureeshiya ay ku dhawaaqay in diyaar u yihiin in qaxoontiga dhex mari karaan dalka Kureeshiya, ka dib markii dalka Hungari uu diiday in wax qaxoonti ahi aanu dhex mari karin dalkiisa oo ay xidheen dhammaan xuduudahooda.

Kureeshiya ayaa waxay xidhatay mid ka mid ah irdaha laga galo Kureeshiya oo looga gudbo xuduuda uu la wadaago Seerbiya.

Todobaadkan gudihiisa ayaa waxa uu dalka ay soo galeen kumanaan qaxoonti oo isku dayaya in ay gudbaan dhinacaa iyo Yurubta waqooyi.

Wadooyinka soo gala xuduudaha ayaa gebi ahaanba la xidhay, sidoo kale xarunta tareenka laga raaco ee Tovarnik ee uu ku taala xuduuda Kureeshiya ay la wadaagto Seerbiya waxay booliska rabshadaha ka hor tagaa hareereeyeen laba kun oo qof oo ku sugan halkaas.

Qulqulka qaxoontiga Yurub ku sii qulqulayaa ayaa maalin maalinta ka danbaysa ay tiradoodu badanaysaa, iyadoo xeerarka waddamada ay sii dhexmarayaan ay isbedelayaan.

Mid ka mid dadka qaxoontiga u dhashay Suuriya ayaa sheegay in dadka qaar badani galayaan safar lug oo qaadanaya ilaa lix saacadood, iyagoo aan seexan, sababtoo ah ah wakhti looma hayo hurdo, maalin walba xeerar cusub ayaa soo baxaya oo isbedelku waxa uu saamaynaa in aad sii gudubto.

bandhige@gmail.com