Donald Trump ayaa waxaanu cashuur bixin muddo 18 sanno

Wargeys ka soo baxay Maraykanka ayaa sheegay in uu helay dukumiintiyo muujinaya, in musharrax Donald Trump uu sannadkii 1995 shaaciyay in uu khasaaray lacag ka badan 900 oo milyan oo doolar.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in khasaarahaasi uu aad u weynaa, taasoo sharci ahaan musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga u ogalaan kartay, in aanu wax caanshuur ah bixin muddo 18 sanno ah.

Ololaha Trump, oo diiday in uu shaaciyo cashuurta uu celiyay musharraxaasi, ayaan beenin ama ogolaan inta ay dhan tahay lacagta uu khasaaray.

War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump, ayaa lagu sheegay in uu yahay ganacsade xirfad sare u leh hannaanka cashuurta Maraykanka, isla markaana uu dhankaasi kaga wanaagsan yahay qof kasta oo weligii isu sharraxay jagada madaxtinnimada dalkaasi.

Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton, ayaa in badan ku dhaliishay Donald Trump in aanu shaacin cashuurta uu bixiyay.

bandhige@gmail.com