Itoobiya: Mudaharaad ka dhex bilaabmay dibedbax diineed ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 50 qof

Tiro dad ah oo gaadhay 50 qof ayaa ku dhintay dalka Itoobiya, kadib markii boolisku kala eriyayay dad mudaharaad ka dhigayay goob lagu cibaadeysanayay.

Bayaan kasoo baxay xafiiska isgaadhsiinta ee Dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in fowdo ka dhacday duleedka caasimada ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad dhowr ah. Hadalka Dawladda laguma faah faahin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay shilkaasi, hase yeeshee mucaaridka ayaa ku eedeeyey ciidamada booliska in ay sababeen dhimashada dadkan oo ay ku sheegeen in ay tiradooda gaadheyso 50.

Merera Gudina, oo ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Orobomada ee OFC ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in dadka dhintay ay gaadhayaan 50 ruux kuwaasoo u geeriyooday isriix-riix ka dhacay goobta, kadib markii ay ciidamada booliska rasaas cirka u rideen si ay u kala eryaan dadkaan oo mudaaharaad ka dhan ah Dawlada ka sameeyey meel uu ka socday dabaaldag.

Banaanbaxyada sannadihi dhawaa ka dhacayey gobolka ay Oromada degto ee Orimiya, waxay markoodii ugu horreeyey ka bilowdeen mashruuc horumarin ah oo ay Dawladdu ku rabtay in ay caasimada ku balaadhiso sannadki 2014-kii. tallaabadaasi oo khatar ku aheyd dhul beereed ay Oromadu leedahay.

Dad fara badan ayaa lagu dilay tan iyo dhammaadkii sannadki tagay ee 2015-kii bannaanbaxo daba socday qorshahaasi, oo ay Dawladdu ku dhawaaqday in ay ka laabatay horraantii sannadkan.

Dawladda ayaa ku eedeysay mucaaridka iyo muwaadiniin dibad joog ah in ay kicinayaan bannaanbaxayaasha si ay waddanka uga abuuraan fowdo.

bandhige@gmail.com