Raysal-wasaaraha Ingiriisku waxay sheegtay in ka bixitaankooda Midowga Yurub bilaabmi doonto bisha saddexaad ee 2017

Raysal-wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa waxay sheegtay in ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub si rasmi ah u bilaabmi doonto ugu dambeyn bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka.

Waxa ay sidaa u sheegtay BBC ka hor inta aanu billaaban shirka ugu horeeyay ee uu xisbigeeda Conservative-ka yeeshay, tan iyo markii ay Raysal-wasaaraha noqotay.

Theresa May ayaa shirka ka sheegtay in ay soo bandhigi doonto qorsheyaal ay ku laaleyso sharciyada ay Ingiriisku uga mid noqotay Midowga Yurub muddo 43 sanno hadda laga joogo.

Waxa ay intaa raacisay in sharciyada cusub ay awoodda iyo mas’uuliyadda dib ugu soo celin doonaan hay’adaha la doortay ee dalkaasi.

bandhige@gmail.com