Donald Trump oo ku baaqay in Muslimiinta laga hor joogsado in ay Maraykan cagaha geliyaan

Ninka hoggaaminaya tartanka Madaxweynenimada xisibga Jamhuuriga ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in gebi ahaanba Muslimiinta laga hor joogsado in ay soo galaan dalka Maraykanka.

War-saxaafadeed ay soo saareen guddida maamusha ololaha Trump ayaa lagu sheegay in ay tahay in la joojiyo Muslimiinta soo galaysa Maraykanka goleyaasha Maraykanku ay aqoonsanayaan waxa meesha ku jira (dhibka jiraa waxa uu dhab ahaan yahay)

“Ilaa inta aynu ka ogaanayno isla markaana aqoosanay dhibta ay (Muslimiinut) innagu hayaan isla markaana aynu khatartan aqoonsanayno, Maraykanku dhibanne uma noqon karo cid waxa kaliya ee ay aaminsan tahay ay jihaad tahay” ayuu yidhi Donald Trump.

Sahan lagu sameeyey aragtida dadweynaha Maraykanka ayaa muujinaya in hadallada ka dhanka ah Muslimiinta ee uu Donald Trump ku tiraabaa ay abuureen nacayb ka dhan ah muslimiinta.

Trump wuxu sii kordhiyey aflegaadada ka dhanka ah Muslimiinta intii ka dambaysay weerarkii Paris iyo weerarkii dhawaanta lagu qaaday Maraykanka ee ay 14-ka qof ku dhinteen.

Golaha Muslimiinta ee Maraykanka ayaa cambaareeyey falalka uu ku kacayo Donald Trump, waxayna sheegeen in uu dadka ka dhex abuurayo nacayb kii faashiistaha oo kale ah.