Xildhibaano Golaha Wakiillada ah oo Komishanka Doorashooyinka uga digay diwaangelin wakhtigeeda ku qabsoomi wayda

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada oo uu ka mid yahay afhayeenka Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa maanta la hadlay Telefishanka Star waxayna sheegeen in ay ka walaacsan yihiin doorashooyinka oo wakhtigooda ku qabsoomi waaya.

Xildhibaannadu waxa ay sheegeen in aanay si dhow ula socon habka iyo hannaanka ay Komishanka Doorashooyinku wax u wadaan isla markaana ay walaac ka qabaan in wakhtiga diiwaangelintu ay dib u dhacdo taasina ay sababayso doorashooyinkii guud oo dib u dhaca.

Xildhibaannadu waxay Komishanka Doorashooyinka ku booriyeen in ay ka faa’iidaystaan wakhtiga ay haystaan.

Hase ahaatee waxa fikrad taas ka duwan qaba Maxamed Ibraahim “Qabo” oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.

“Wax dhalliila ah oo aanu maanta todobadaas qof ka sheegno ma hayno. Diiwaangelinta iyo doorashooyinkuna wakhtigoodii ayay ku qabsoomi doonaan” ayuu yidhi Qabo.

Maxamed Ibraahim Qabo waxa kale oo intaas ku daray in ay jiraan guddi xukuumaddu samaysay oo dabada ka riixa in jadwalka doorashooyinka loo dejiyey aanay waxba iska beddelin taas oo aan hore u jirin buu yidhi.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee xildhibaannada Golaha Wakiillada: