Doon siday tahriibayaal oo lagu qabtay xeebaha Sanaag

Ciidanka Ilaalada xeebaha ee Gobolka Sanaag ayaa soo badbaadiyey doon siday tahriibayaal oo tiradoodu dhan tahay 72 qof oo u dhashay Itoobiya oo 7 ka mid ahi meyd yihiin. Dadkaas 10 ka mid ah waa haween, halka 62 kale ay yihiin rag

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay dadka dhintay iyo kuwa la soo badbaadiyeyba ay gacanta ku hayaan ciidanka Ilaalada xeebaha ee Gobolku.

Maaha markii ugu horeysay ee ay ciidanka Ilaalada xeebuhu ee Gobolka Sanaag qabtaan doomo sida tahriibayaa.

Tahriibayaashan ayaa waxay badi u socdaal dhinaca Yemen oo ay ugu sii gudbaan dhinaca Sucuudiga oo ay shaqo ka raadsadaan.

bandhige@gmail.com