Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo mareegta Bandhige uga warramay buuggiisa cusub ee lagu gardaadiyey London

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan ayaa qoray buug af-Ingiriisi ku qoran oo ka hadlaya taariikhda Soomaalida intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1991. Qoraagu wuxu Bandhige u sheegay in buuggani yahay kii uu ku qaatay shahaadadda ugu saraysa waxbarashada ee PhD-da loo yaqaan.

Khamiistii ayaa buugga lagu daah-furay Jaamacadda SOAS ee London iyadoo ay goobjoog ahaayeen weriyeyaal badan oo BBC-da Soomaaliga ka tirsan qaarna hore uga tirsanaan jireen, macalimiin ka tirsan Jaamacadda SOAS iyo marti-sharaf kale.

Weriye Axmed Ceelaabe oo ka tirsan mareegta Bandhige ayaa telefoonka kula xidhiidhay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo jooga London wuxuna waydiiyey dareenkiisa la xidhiidha buugga. Wuxuna ku jawaabay.

sagal ashour making remarks of the book
Sagal Maxamuud Cashuur oo ka warbixinaysa buugga, SOAS, London, 30 July 2015. Waxa hoosta fadhiya Dr. Maxamed-Rashiid

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in ay ugu dambayntii suurto-gashay in uu ifka u soo baxay buuggan oo aan muddo ka shaqaynayey muddo dheer-na daabacaad sugayey. In muddo ah ma garanayo maalin ay maanta iiga farxad badan tahay.”

Dr. Maxamed-Rashiid ayaa sheegay in uu buuggan qoraalkiisa dhammaystiray 2003-dii laakiin ay daabacaaddiisu suurogeli wayday maanta ka horow sababo dhawr ah awgood.

“Muddo dheer wuxu buuggu kiyuu ugu jiray madbcad caan ah oo Ingiriiska ku taal, hase ahaatee iyadoo aan la daabicin ayaa madbacaddii ay saamaysay dhaqaalo-xumadii ku adduunka gilgishay 2008/2009. Waxan haddana u wareegay madbacad ku taal Talyaaniga taasoo ballan-qaadday in ay daabacayso laakiin si ay noqotayba aan soo saarin. Ugu dambayntii waxa soo saartay madbacadda Sagaljet ee Hargeysa ku taal, taas oo runtii u daabacday si ka tayo saraysa sidii ay u daabici lahaayeen madbacadaha Ingiriiska iyo Talyaaniga.”

Dr. Maxamed-Rashiid wuxu intaas raaciyey in uu muddooyinkii dambe buugga kaga mashquulay siyaasadda Somaliland oo uu marna ahaa musharaxa madaxweyne-xigeenka UCID doorashadii 2010-kii, haatana yahay Waasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda.

Bbc soas
Dr. Maxamed-Rashiid waxa bandhigga buugga kala qayb-galay weriyeyaal caan ah oo ka tirsan ama ka tirsanaan jiray BBC-da iyo macalimiin ka socota SOAS

 Dr. Maxamed-Rashiid wuxu mahadnaq u jeediyey dhallinyaro ay saaxiib ku ahaayeen bulshada rayidka oo bixisay kharashaka daabacaadda buugga isla markaana kala qayb-qaadatay dib-u-eegiddii u dambaysay ee buugga ka hor intii aan la daabicin.

Buugga ayaa diiradda saaraysa saamaynta ay qofka Soomaaliga ah ku leeyihiin diinta, dhaqanka iyo siyaasadda casriga, taas oo uu qoraagu sheegay in ay yihiin saddex arrimood oo ku dhex hirdamaya qof kasta oo Soomaali ah.

Farhan Jimaale
Weriyeyaal BBC-da ah oo sawir gaar ah la galay Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan

Buuggu sidoo kale wuxu diwaangelinayaa dhacdooyin caan ahaa Soomaalida dhexdeeda ka dhacay, kuwaas oo uu qoraagu aaminsan yahay in ay sal ku lahaayeen is-hirdiga diinta, dhaqanka iyo siyaasadda casriga.

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan wuxu haatan ka tirsan yahay Golaha Wasiirrada ee Somaliland. Waa suxufi, faylasuuf iyo qoraa caan ka ah geyiga Soomaalida.

Bahda Bandhige waxay qoraaga ku hambalyeynaysaa taariikhdan uu u kaydiyey da’yarta Soomaalida ee soo barbaaraysa, kuwaas oo inta badan taariikhdooda ka barta buugaag ay qoreen ajaanib ah. Waxan akhristeyaasha meel kasta oo ay joogaanba ku dhiirigelin lahayn in ay iibsadaan.

Dr. Martin Orwin
Dr. Martin Orwin, bare sare oo ka tirsan Jaamacadda SOAS, wuxu qoraaga ku ammaanay taariikhda uu buugga ku kaydiyey
Dr. Mohamed Rashid
Dr. Maxamed-Rashiid oo dadkii iibsaday buugga u saxeexaya

 

Bandhige@gmail.com