Dunida oo ka walaacsan soo noqoshada Ebola ee Laybeeriya

 

 

 

 

 

 

 

 

In kastoo shan todobaad ka hor Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Caafimaadka ee magaceeda loo soo gaabiyeo WHO ay ku dhawaaqday in Laybeeriya laga nadiifiyey xanuunka dilaaga ah ee Ebola, haddana waxa ayaan-darro noqotay in uu shalay u geeriyooday hal qof. Warkaasi wuxu dhiilo ku noqday dunida oo filaysay in xanuunkani sii daba yar yahay, gaar ahaan waddamada ku yaal Galbeedka Afrika oo uu dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba u saameeyey.

Wasiir-Xigeenka Caafimaadka Tolbert Nyenswah ayaa sheegay in baadhis lagu ogaaday in 17 jir reer Laybeeriya ahi  xanuunka Ebola shalay u geeriyooday caabuqa Ebola.

Ka hor intii aan bishii May lagu dhawaaqin in Laybeeriya xanuunka laga dabar-jiray, wuxu xanuunkan galaaftay 11,000 oo nafood oo badankoodu ka soo jeeda waddamada Laybeeriya, Gini iyo Siiraaliyoon.

Saraakiisha caafimaadka ayaa dadka ku booriyey in aanay argagixin balse hawl-maalmeedkooda si caadi u qabsadaan. Waxa sidoo kale masuuliyiintu sheegeen in ay xaaladdu caadi tahay gacantana ku hayaan maydkii qofkii geeriyoodayna ay si ammaan ah u aaseen.

Wasaaradda Caafimaadka ee Laybeeriya iyo hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka ku lugta leh ayaa haatan baadhitaanno ku bilaabay dadkii ka ag-dhawaa nolosha wiilkan 17-ka ah iyagoo raba in ay hubiyaan in uu caabuqii Ebola cid u sii gudbiyey iyo in kale.

Laybeeriya waxa ay bishii u dambaysay ka soo kabanaysay burburkii lama filaanka ah ee ku habsaday dhaqaalaha dalkooda kadib markii ay dunidu go’doomisay iyadoo laga baqayey in waddamada ku yaal Galbeedka Afrika oo Laybeeriya ugu horreyso ay horseedi karayeen in caabuqa Ebola ay dunida u kala diraan.

Bandhige@gmail.com