Eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA oo galaaftay madaxii xidhiidhka kubbadda cagta Bolivia

Madaxweynaha xidhiidh kubbadda cagta Bolivia Carlos Chavez ayaa la xidhay ka dib markii lagu helay eedaymo musuq-maasuq, sidaasna waxay sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska.

Bolivia ayaa bilowday baadhitaanka xidhiidhkeed kubbadda cagta ka dib markii uu Maraykanku soo bandhigey eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA.

In ka badan 20 ka mid ah xidhiidhka kubbadda cagta Bolivia ayaa cadaynta eedaymo musuq-maasuq oo ay galeen la horgeeyey maxkamadda.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Bolivia oo ka hadlay xadhiga Chavez ayaa yidhi:

“Waxa lagu eedeeyey Chavez in sameeyey musuq-maasuq dhinaca maamulka khayraadka”

Xoghayaha guud ee xidhiidhka Bolivia , Alberto Lozada , ayaa sidoo kale loo xidhay, isku aadin ciyaaro.

FIFA ayey soo waajaheen eedaymo musuq-maasuq oo baahsan ka dib markii Iswisarland ayaa xidheen masuuliyiin ka mid aha xidhiidhka kubbadda cagta Adduunka.

 

bandhige@gmail.com