Kiiniya: Xaruntii dukaamaysiga Westgate ee Al-shabaab weerarka ba’an ka fulisay oo dib loo furay

Xaruntii dukaamaysiga Nayroobi ee Westgate ayaa markale dib loo furay ka dib weerarkii Al-shabaab ku dileen 67 qof bishi Sibtambar 2013kii.

Koox hubaysan ayaa gashay xarunta dukaamaysiga  ka dibna rasaas ku furay dadkii ka adeeganayey iyo shaqaalihii dukaamadda, kooxdan ayaa haysatay xarunta muddo afar maalmood ah.

Dayactir balaadhan oo lagu sameeyey xarunta ayaa dib loo furay qiyaastii dukaamo gaadhay kala badh.

Dib-u-furitaan xarunta dukaamaysiga Westgate ayaa imaynaysa hal todobaad ka hor booqashadda madaxweyaha Maraykan Barack Obama.

Maayirka Nayroobi Evans Kidero ayaa sheegay in booqashadda Obama tahay calaamad muujinaysa in magaaladu ammaan tahay.

Evans Kidero mar uu ka hadlayey xarunta dukaamaysiga dib-u-furistooda waxa uu yidhi:

“Waxa laga joogaa 22 bilood markii dhacdadan murugada badnay soo martay  tariikhda Kiiniya.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi

“Ka qaran ahaan waanu oynay, murugoonay, laakin xaruntii dukaamaysiga Westgate way soo noqotay.”

Kooxda Al-shabaab ee ka jirta waddanka Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaa, sheegtay inay kaga jawaabayso joogitaanka ciidamada milateriga Kiiniya ee Soomaaliya.

Weerarkan oo ahaa isku dayadii ay kooxda Al-shabaab la beegsadaan dadka ajaanibka ee jooga Kiiniya iyo muwaadiniintooda.

Qaar ka mid ciidamadda Kiiniya ayaa lagu arkay muuqaal ay duubtay kamaradah qarsooni iyaga oo guranaya alaabtii dukaamada dhexyaalay.

Inkasta oo ay jiraan su’aalo badan oo aan weli laga jawaabin kuna saabsan in la sheego aqoonsiga dhabta ah ee ragii weerarka fuliyey iyo sida ay fursada u helaan inay hubkii ay weerarka ku fuliyeen usoo galiyeen xarun iyadoo si adag loo ilaalin jiray ammaanka xarunta.

Weerarkii xarunta dukaamaysiga Westgate ka diba ayey kooxda Al-shabaab ka gaysteen guddaha Kiiniya weeraro kale oo uu ka mid ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ku dhinteen ku dhowaad 150 qof bishii Abril.   Sidoo kale waaxda Arrimaha Dibadda Maraykan ayaa soo saartay war-bixin digniin ah oo dhinaca u socdaalka Kiiniya  oo ay uga digayso muwaadiniinteeda inay ku bar tilmaasadaan kooxaha xagjiriinta ahi.

bandhige@gmail.com